Horseed Poem by sallam yassin

Horseed

Haybtaadu dalkaaga weeye
Waxaa ku hagaaya diintaada
Hubaal waa haybaddaada
Hankaagu siddaa afkaagu
Ilay waa hooddaada
Intaad ku hadaaqday hooyo
Horaadka adoo jaqaaya
Miyaad cidlo aad ku hiili
Hu'gaa; hoygaa; dadkaagu
Ilay waa hirashadaaye

Xaqaa la hilaadiyaayoo
Samuhu wuu hiiliyaaye
Horseed ka ahaw dantaada

Somaliland hadh weeye
walaal guul hanashadeeda
Hidiyo waa haynta maanta
Iftiinka hiraaya weeye
Horee aynu haybinayno
Hayaanku u guuri weeye
Halyaygeed waa hogaanka
Dadkiiso hareera taagan
Geediga ku hagaajinaaya
Halkay ku hagar-baxayso

Xaqaa la hilaadiyaayoo
Samuhu wuu hiiliyaaye
Horseed ka ahaw dantaada

Tuesday, October 20, 2015
Topic(s) of this poem: nation
COMMENTS OF THE POEM
READ THIS POEM IN OTHER LANGUAGES
sallam yassin

sallam yassin

Hargeisa, Somaliland
Close
Error Success