Macalinkii Samaha Xasan Sh. Mu'Min Poem by sallam yassin

Macalinkii Samaha Xasan Sh. Mu'Min

Wuxu maanku tabayaba
Qalbi muu'min baa hela
Calankeen mudnaantuu
Miissaanka ugu ladhay
Heestuu mulaaxdeed
Meeraha ka soo jaray
Ku martabina ducadii
Sama waara mawlahu
Inuu saaro maamuus
sado iyo mudnaantee

dayx meel iftiinshoo
manhajkeena diintiyo
danta mooganaanteen
inta maqan
inta u mudan
murti iyo aqoonteen
xasan maclinkeenii
halyey muujinjirayow

kayd yaala meelo
qurux lagu maldahayoo
runta muunadeeda ah
madhax iyo madhaafaan
masraxii aqoonteen
madadaaladiisii,
murtiduu astaynjiray
hadba maayad oo kale
mucjisada is dadabtaal
hadba mawjad kicinjiray
isagoon cid maagayn
marin samo u dhigi jiray
xumo muusi jiray abid
xasan maclinkeenii
kuu maanku tabayow

Monday, February 2, 2015
Topic(s) of this poem: hero
COMMENTS OF THE POEM
READ THIS POEM IN OTHER LANGUAGES
sallam yassin

sallam yassin

Hargeisa, Somaliland
Close
Error Success